Xog: DFS oo wax laga baraayo shuruucda badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalladda Mombasa ee dalka Kenya waxaa ka furmay Shir looga doodayo dib-u-eegista Sharciga Maamulka Baddaha Somalia, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Baddaha Caalamka ( International Maritime organization (IMO).

Shirkaasi oo socon doona muddo 3 maalmood ayaa waxay Ka-qeybgalayaasha kaga munaaqashoonayaan Jadwalka shaqo ee Dhismaha Maamulka Baddaha Somalia (Somalia Maritime Administration) iyo Horumarinta Waaxda Baddaha iyo in Sharcigaasi noqdo mid hoos yimaada Sharciga Calaamiga ee Baddaha.

Dhinaca kale, shirkaasi ka furmay Mombasa waxaa Ergadda lagu casuumay ka mid ah Labo Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federalka Somalia iyo Saraakiil kale oo ka kala socda Maamulladda Puntland iyo Galmudug iyo Goobjoogayaal Caalami ah oo ka kala socda Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntadda iyo Beeraha (FAO), Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) iyo Midowga Europe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com