Damu-Jadiidaay wakhtigu ma idiin warramay ??!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Villa Somalia iyo Magaalada Muqdisho laga dareemaayo kala qeybsanaanta ururka Dam jadiid, ayaa waxaa hadana jiro hoos u dhac ka muuqaneyso Siyaasadii ay ku lahaayen dalka Somalia.

Dam jadiid ayaa waxa ay dalka kusoo galeen firfircooni ay ku dheehan tahay Siyaasado nin jecleysi ah, balse tan iyo markii Xukuumada dalka loo dhiibay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed ayaa waxaa ku bilowday hoos u dhaca iminka ka heysta Siyaasada kadib markii uu cadaadin xoogan ku hayay Madaxweyne Xassan iyo xulafadiisa.

Ra’isul wasaarihii hore C/weli Sheekh ayaa waxa uu xooga saari jiray inuu kala geeyo unugyada ku bahoobay fakirka Dam Jadeed ee xiligaasi awood ku dhex lahaa DF Somalia, waxa uuna qaaday talaabooyin lagu hakinaayo dhaqaalaha ay sida xisaab la’aanta ah uga guran jireen Bankiga dhexe ee dalka iyo tan ay beesha caalamka ugu deeqi jirtay in DF ay ku baxnaaniso dalka Somalia oo uu daahsaday burbur, hayeeshee waxa ay dareemeen halka uu culeysku kala soo darisay.

Waxa ay isku abaabuleen cutubyo dhowr ah waxaana usoo baxday inay C/weli la dheelaan siyaasad qar ka tuur ah, taasi oo sababtay inay ku kiciyaan BF islamarkaana xilka sidaa uga qaadan, balse waxa ay su’aashu tahay qar ka tuurista C/weli kadib Dam jadiid ma xasileen??

December 17th, 2014 waxa uu Madaxweyne Xassan Ra’isul wasaare u magacaabay Cumar C/rashiid oo ay wateen dowlado quwad ku dhex leh Somalia, waxa uuna muddo laba jeer ah ku fashilmay in Xukuumadiisu ay kamid noqdaan Xubno ka tirsan Ururkaasi isagoona is hortaag kala kulmay BF Somalia.

Imaanshaha Cumar C/rashiid ayaa waxa ay Dam Jadiid u aheyd maalin mugdi ah oo ay kasoo xirxir meen dhamaan Albaabada, waxaana u baryay waa cusub oo ka dhigan in lagu fahmay Siyaasadii ay ka damacsanaayen dalka.

Waxaa iminka meel cidla ah kusoo dhacay inkabadan 12 Siyaasiyiin ka tirsan Kooxdaasi oo hoos harsanaayay Aqalka dalka looga arrimiyo, hayeeshee waxaa taasi iminka ku gacanseeray xubnahaasi oo badankooda xilal u raadinaayo Gobolada dalka.

Waxaa meesha ka baxay magacyadii har iyo habeen laga sii deyn jiray Idaacadaha Magaalada Muqdisho sida Faarax C/qaadir, Gulleed iyo Sambaloolshe oo u dub dhexaad u ahaa doodaha ka baxa Idaacadaha iyo Telefashinada maxaliga ah.

Intaasi oo idil waxa ay soo dedejisay in midba uu meel la galay qaarka dambe, inkastoo aysan meeshu ka marneyn in weli aan laga jarin mushaarkii ay qaadan jireen.

Waxa ay xiligaani marti ku yihiin xafiisyadii loogu soo martin jiray, waxaana dhulka galay kaalintii ay ku lahaayen dalka, markii laga soo tago Afarta xil ee farakutiriska ah ay ka hayaan Madaxtooyada.

Ugu dambeyntii waxa uu ujeedka qoraalku yahay in qoraxdu ay soo bidhaanto xili, balse ay leedahay xili ay dhacdo, taasi oo micnaheedu yahay Dam jadiid wakhtigu soo uma waramin !!!

 

W/Q: Cabdi Cali Cabdi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid