Wariye, xaaskiisa iyo ruux kale oo la isla dilay !!!!

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in magaaladaasi kooxo hubeysan ay ku dileen Wariye ku sugnaa magaalada.

Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Cali Cumar, waxaana lala dilay xaaskiisa iyo ruux kale oo la sheegay iney deris ahaayeen.

Lama oga sababta dilkiisa ka dambeysa, laakiin Daa’uud ayaa muddo kooban xubin ka ahaa ururka Saxafiyiinta koofur galbed ee magaalada Baydhabo.

Waxaa lagu weeraray hoy uu ka deganaa xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo halkaasi oo isaga iyo xaaskiisaba lagu toogtay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo waxaa ka taagnaa dilalka dadka rayidka loo geysanayo, iyada uu lagu weerarayo xaafadahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com