Diblomaasi si weyn looga yaqaan Mareykanka oo sifo xun ka bixiyey Soomaalida MAREYKANKA !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Norm Coleman oo ka mid ahaan jirey Senator-ada Congress-ka Maraykanka ayaa hadalkaasi ku sheegay Maqaal uu ku qoray Wargeyska “The Star Tribune”, isagoo deegaanaadda ay Soomaalida kaga suganyihiin Maraykanka ku sifeeyey Dhulkii Tobanka Kun ee Argagixiso, waa sida uu hadalka u yiri.

Siyaasigaasi waxa uu ku adkeystay Eedeymahiisa, isagoo dhinaca kalena sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Andrew Luger uga mahadcelinayo shaqada adag ee uu qabtay, si uu Eedeysanayaasha lala xiriirinayo Argagixisadda u hor keeno Caddaaladda.

Maqaalka Ex-senotor Norm Coleman waxa aad uga carooday dadka Soomaali-Maraykanka, oo ku tilmaamay hadalkiisa mid ay ka muuqato Isir-nacayb iyo Karaahiyad.

Abdi Warsame oo ah Somali-Maraykan xubin ka ah Golaha Deegaanka magaalladda Minneapolis ee ay Soomaalida ugu badan ku nool yihiin ayaa tilmaamay inaan la rumeysan karin Cinwaanka Maqaalka Xildhibaankaasi hore ee uu hal-ku-dhegga uga dhigay Dhulkii 10,000 Argagixiso “Land of 10,000 Terrorits.

Wuxuuna ugu baaqay Ex-senotor Norm Coleman inuu raalli-gelin buuxda siiyo dhamaan Muwaadiniinta Somali Maraykanka ee ku nool Gobalka Minnesota.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo 6 dhallinyarro Somali-Maraykan lagu soo oogay inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com