SIYAASI ka hadlay natiijada SHIRKA GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shir muhiim lagu tilmaamay uu DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka uga socdo Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Siyaasi kasoo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.

Siyaasiga Cabdirisaaq Ismaaciil Darwiish oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu firfircoon Puntland, ayaa sheegay in shirka uu kasoo bixi karo natiijo wanaagsan oo waxtar u leh dalka Somalia.

Wuxuu sheegay in Shirka Hiigsiga 2016 ee Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada uga furmaya Magaalada Garoowe, miro dhalkiisu noqon karo Somalia oo dhibta laga saaro.

Siyaasiga waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada tashado arrimaha horyaala Somalia si loo gaaro doorasho ka dhacda dalka sanadka 2016, taasi oo uu sheegay in lagu gaari karo iyada oo la is kaashado xaqiiqda meeshataal.

Darwiish, waxa uu soo jeediyay in ay muhiim tahay in la cadeeyo awooda Maamul goboleedyada, isaga oo tusaale usoo qaatay Puntland oo uu sheegay in sida labo dowladood ay ula dhaqanto Dowladda dhexe.

Waxa uu Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isha ku hayaan guulaha kasoo bixi doona Shirka, waxa uuna geesta kale ka digay in laga hor imaado guulahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com