Sawirro: Beesha Caalamka oo hal mid ku muujisey kulan ay la qaateen Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xaalada waddanka iyo sidii xukuumada uu hogaamiyo Rooble iyo xubnaha beesha caalamka ay u dhex-mari laheyd wada-shaqeyn dhow, si loo dar-dar geliyo arrimaha taagan.

Sidoo kale waxa kulankaasi la isku dhaafsaday tallooyin ku aadan xaalada guud ee dalka iyo qaabkii xiligan ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen horumarada kala duwan ee ay dowladdu ku tallaabsatay.

Waxaa kulankaasi ku wehlinayay Ra’iisal wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Guuleed oo ah sii-hayaha ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka iyo sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada beesha caalamka ayaa taageero xoogan u muujiyey ra’iisal wasaaraha cusub, iyagoona u balan-qaaday wada-shaqeyn dhowr, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Waxa kale oo xubnaha beesha caalamku u rajeyeen mudane Rooble inuu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, iyaga oo bogaadiyay qoddobada uu dhawaan shaaciyey inuu muhiimada koowaad siin doono ee Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.