Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo xoogeystay iyo Turkiga oo la sheegay inay ciidamo direeen

Baku (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa galay maalintii labaad ayada oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen xilli ay jirto cabsi la xiriirta in dagaalka u noqdo mid aan waxba la isula harin.

Saraakiisha gaashaandhigga labada dal ayaa xaqiijiyey in dagaalka uu si xooggan u socday xalay kadib markii uu Isniintii ka billowday furumaha gobolka Nagorny Karabakh, oo ah gobol ay degan yihiin dad Armenian ah balse doonaya inuu ka go’o Azerbaijan.

Kooxda gooni u goosadka ee gobolka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ka badan 15 ka mid ah dagaal-yahanadooda la dilay saacadihii tegay, taasi oo tirada guud ee dhimashada guud ka dhigeysa 39.

Ayada oo labada dhinacba uu midba midka kale ku eedeynayo dagaalka, ayaa hogaamiyayaasha dunida waxa ku baaqeen deganaan, ayada oo ay jirto cabsi ah in dalal quwado weyn sida Turkey iyo Russia ay soo geli karaan dagaalka.

Armenia iyo Azerbaijan oo labadaba horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed la xiriira gobolka Nagorny Karabak, oo ay marar badan ku dagaalamee, uguna dambeysay 2016.

Gobolkan ayaa madax-banaani ku dhowaaqay horraantii sagaashamaadkii kadib dagaal ay ku dhinteen in ka badan 30,000 qof, balse ma jirto cid aqoonsan, xitaa Armenia, balse caalamka ayaa u aqoonsan inuu ka tirsan yahay Azerbaijan.

Wasaaradda difaaca Karabakh ayaa sheegtay in maanta laga dilay 32 dagaal-yahan oo kale, halka 7 qof oo kale horey loo weriyey. Azerbaijan ayaa weli ma aysan shaacin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Safiirka Armenia u fadhiya Ruushka ayaa ku eedeeyey Turkiga inay qiyaastii 4,000 oo dagaal-yahano ah oo ka yimid Waqooyiga Syria u direen Azerbaijan si ay dagaalka uga taagreen.

Safiirka ayaa sheegay in dagaal-yahanadaas ay iminka ka qeyb-qaadanayaan dagaalka.

Hase yeeshee, kaaliyaha madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa beeniyey eedeyntaas, waxaana uu sheegay inuusan jirin dagaal-yahano shisheeye oo dalkaas yimid.