Gaas oo shaaciyey dowlado wada qorshe cabsi leh oo la xiriira doorashada Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa walaac badan ka qaba saameynta ay dowladaha carbeed ku yeelan karaan doorashada Soomaaliya.

Gaas oo mar soo qabtay xilka ugu sarreeya Puntland ayaa TV-ga Somali Cable u sheegay iney tahay wax laga xumaado faragalinta ay dowladaha shisheeye ku yeelanayan doorashada iyo go’aaminteda.

Waxaa la ogyahay in dowladda dhexe ay hadda garab ka heleyso dowladda Qatar, sidoo kalana waxaa jira tuhun laga qabo in dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ku lug yeeshaan doorashada soo socota.

Tuhunka la qabo waxey tahay in siyaasiyiinta xilka doorashada u tartamaya ay garab ka helaan dowladaha carbeed oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, sidoo kalana wuxuu Cabdiwali Maxamed Cali Gaas rajeynayaa in ergooyinka oo la kordhiyay ay yareyn karto musuq-maasuqa.

Xildhibaanada golaha shacabka waxaa soo dooran doona 101 ergo, halka sanadkii 2016 ay soo dooraneysay 51.

Cabdiwali Gaas tuhunka uu qabo waxey tahay in mar kale la musuq-maasuqo codadka iyadoo la adeegsanayo faragalin shisheeye.