Sawirro: Shabaab oo caleemo saaray suldaan Mudulood ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay Suldaan cusub ugu caano-shubtay beesha Muddulood ee gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, sida ay shaacisay warbaahintooda.

Saraakiisha Shabaab ayaa soo qaban qaabiyay munaasibad heer sarre ah oo lagu caleemo saarayey Suldaankaasi, taasi oo ka qabsoomtay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe.

Suldaanka cusub ee ay xarakadu u caleemo saartay beesha Muddulood ee gobolada Jubbooyinka, ayaa lagu magacaaba Sheekh Cabdifitaax Xasan.

Waxaana munaasibadaasi ka qeyb-galay Salaadiin, odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka tirsan beesha Muddulood, oo warbaahinta Al-Shabaab ay sheegtay inay ka kala yimaadeen deegaanada ay ka degaan gobolada Soomaaliya.

Martidaasi ka qeyb-gashay caleema-saarka ayaa ka kala yimid gobolada Mudug, Galgaduud, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha Hoose, Banaadir, Gedo iyo Jubbooyinka, sida ay baahisay warbaahinta Shabaab.

Sawirro laga soo qaaday munaasibada caleema saarka suldaankaasi, ayaa waxay muujinayaan in si heer sarre ah loo soo agaasimay munaasibadaasi, iyada oo goobtaasina lagu xardhay boodhadh lagu amaanayo suldaanka cusub.

Sidoo kale waxa xusid mudan in sawiradaasi uu si gaar ah uga dhex muuqday suldaanka la caleemo saaray oo watay qoriga loo yaqaano AK47.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili laga deyrinayo awooda Al-Shabaab ee maamulka dalka, isla markaana uu sarre u kacay wer-werka laga qabo inay xubno ku yeeshaan baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya.

Tan iyo markii ay sanad ka hor Al-Shabaab u yeertay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxa isasoo taraya walaaca laga qabo in xarakadu ay gacan buuxda ku yeelato maamulka Beelaha iyo doorashada soo socota.