Maamulka G/Banaadir oo shaaciyey qorshe cusub kadib falalkii dhowaan dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadeen maamulka degmooyinka gobolka.

Kulankan oo ahaa midkii toddobaadlaha ahaa ee guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxa looga hadlay arrimaha Amniga iyo tacadiyada ka dhan ah Haweenka ee Kufsiga oo maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey caasimada iyo gobolada dalka.

Sidoo kale waxa diirada lagu saaray kulankaasi oo ay qeyb ka ahaayeen qaar kamid ah culimada dalka, cidhibtirka waxyaabaha maanka dooriya.

Saalax Cumar Xasan, Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii kasoo baxay kulankaasi ayaa sheegay inay bilaabi doonaan howl-galo ka dhan ah maandooriyaha.

Afhayeenka ayaa xusay in maandooriyuhu uu qeyb weyn ka qaato falalka kufsi ee ka dhaca caasimada, sidaas darteedna ay qaadayaan howl-galo looga hortagayo waxyaabahaasi.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in howl-galada lagu cidhibtirayo maandooriyaha ay qeyb weyn ka qaadanayaan yareynta Kufsiga oo toddobaadyadii u dambeeyay kiisas noocaasi ah ay ka dhaceen magaalad Muqdisho.

Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay in xiligan ay muhiimad gaar ah ay leedahay in la isku garabsado in laga hortago maandooriyaha si loo adkeeyo amaanka, isla markaana meesha looga saaro tacadiyada jinsiga.