Jubaland oo ciidanka Kenya ka leexisay dadkii Gedo lagu laayey, si kalena u rogtay

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur JANAN ayaa ka hadlay falkii dhawaan lagu dhibaateeyay dad shacab ah oo dagan gobolka Gedo, wuxuuna shaki galiyay iney ciidamada Kenya ka dambeeyaan dhibta dhacday.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta wuxuu sheegay in laga yaabo Ciidamada Kenya oo ka careysan dhibaato loo geystay ay shacabka dhib u geysteen.

“Waxaa ognahay in ciidamo Kenya qarax loo dhigay uu kasoo gaaray khasaare naf iyo maalba leh. Dabcan ciidamadiina waxay sameeyeen falcelin waxayna dhibaato ugeysteen dadkii aaga ka dhawaa,”

Cabdirashiid Janan wuxuu ka qeyb yahay guddiga loo xilsaaray dhacdadii ka dhacday Ceelwaaq, wuxuuna sheegay iney hubinayaan wixii dhacay ka hor inta aysan wax tallaabo ah qaadin.

Janan wuxuu sheegay iney Ciidamada Kenya kala xisaabtamayaan wixii ay geysteen, balse ay ogyahiin in Al-Shabaab ay dhibaato u geystaan ciidamada Kenya taasna ay ka dhaln karto falcelin ay shacabka ku dhibtoodaan.

Dadka shacabka ah ee degan Gedo wali waxey wadaan dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan dhibaatada loo geysanayo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is-dajiyaan, islamarkaana ay ka war-sugayaan baarista ay haatan wadaaan ka guddi ahaan.