27.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Sawirro: Beesha Ceyr oo digniin culus u dirtay DF Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo xermay kulan Seddex maalin qaatay oo u dhexeeyay Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Ceyr, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka Odayaasha ayaa ahaa mid digniin lagu siinaayo Dowlada Somalia oo la sheegay inay faraha kula jirto amuuraha Beesha Ceyr.

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo kamid ahaa Odayaasha kulanka qeybta ka ahaa ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay talaabadeeda ka dheereyneyso, waxa uuna ka digay in faragalinta ay kusii dhiirato.

Ugaas Cabdi Daahir ayaa Dowlada ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha khuseeya Beesha kaasi oo uu ku tilmaamay in aysan aheyn arin iska timid balse ka soo fekereen.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Beesha ay diyaar u tahay difaacida go’aanadooda ilaa cadaalad laga helo.

Maxamed Cismaan Cumar, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka iyo Maamulka Beesha Ceyr, ayaa isna sheegay in uu jiro abaabul loogu jiro Xildhibaanada imaan doona islamarkaana tilmaamay in ay ka horjeedaan Xubno Dowladda Dhexe iyo Maamulka Galmudug ay soo magacaabeen kuwaasi oo sida uu xusay ku howlan soo xulida Xildhibaanada cusub ee soo socda.
Habargidir1

Habargidir2

Habargidir3

Habargidir4

Habargidir5

Habargidir6

Habargidir7

- Advertisement -

Read more

Local News