Cabdiraxman Cabdishakur oo ku dhawaaqay xisbi cusub Wadajir.

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, xisbi siyaasadeed loogu magac daray WADAJIR. Xisbigan oo uu murashax u yahay Cabdiraxman Cabdishakur oo ka mid ah musharaxiinta KQKQ ee u taagan in jagada madaxweyne ee 2016.

kamalWaxaa xisbiga guddoomiye aan la dooran u ah Kamala Guutaale, waxaana ku xigeen ah nin lagu sheegay in uu gacan yare mar u ahaa Gabre oo muddo ka shaqeynayay ururka IGAD kaa soo lagu magacaabo Nuur Diinaari. Kamal ayaa mar ahaa agaasimaha madaxtooyada.
Dad xog ogaal ah oo u hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in xisbigan uu masharax u yahay Cabdiraxman Cabdishakur oo taariikhdiisa iyo shaqsiyadiisa aay ka dheregsan yihiin dinarishacabka Soomaaliyeed. Cabdiraxman Cabdishakur mar uu ahaa wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, ayuu u saxiixay dowladda Kenya BADDA muranka badan uu ka dhashay oo hadda aay dacwadeeda ka furan tahay magaalada Hague ee dalka Holland.

In dhaweydba waxaa soo badanayay shaqsiyaad aan sharaf iyo karaama ku dhex lahayn shacabka Soomaaliyeed oo ku dhawaaqayo xisbiyo siyaasadeed iyo musharaxnimo aay u taagan yihiin kursiga Madaxweyanaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

6

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com