Video: Soomaaliya oo noqotay waddanka ugu musuqa badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Soomaaliya oo ah waddan 100% haysta diinta Islaamka ayaa sanad walba waxaa noqdaa waddanka ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

Arrintan oo caalamka Islaamka aay aad ula yaabeen ayaa waxaa ayaan darro ah in aay noqoto mid soo noq-noqata oo aan wax laga baran.

Masuuliyiinta Soomaaliyeed iyo shacabkaba ma waanay ogeyn in musuqa uu yahay shey Allah Subxaanuhu Watacaalaa uu xaaraantinemeeyay? Ma waanan ahayn ummad Muslim ah, ma waanan ogeyn in Xisaabi jirto maalinta khiyaamo?

Waxaa lagu jiraa bishii barakeysneyd ee Ramadan, waxaanan ilaahay ugu baryeeynaa in duul islaan ah oo dhaama kuwa hadda hoggaanka waddanka haya uu ilaahey noogu bedelo doorashada 2016

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com