25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Sawirro: BF Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyay doodda cutubka 4-aad, una gudbay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Villa Hargeysa ayaa mar kale ka dooday wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah, xill weli ay tabasho ka qabaan mucaaradka diidan qorshaha Villa Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa maanta soo gabagabeeyay doodooda ku aadan cutubka afaraad, gaar ahaan soo jeedinta  wax ka beddalka qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.

“Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa soo gabagabeeyay doodda soojeedintaa kooban ee wax-kabeddelka Qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad ee Cutubka 4aad” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.

Sidoo kale, wuxuu guddigu intaasi ku daray in Baarlamaanka uu haatan guda galay cutubka 5-aad, iyagoo sii wadi doono ilaa 9-aad, sida uu qorshuhu yahay.

“Waxay xildhibaannada gudagalayaan doodda soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, gaar ahaan cutubka 5aad” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana sii kala fogeyneysaa dhinacyada isku hayo arrimaha doorashooyinlka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News