Sawirro: BF oo u yeeray wasiirada gaashaandhigga iyo amniga DF iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe.

Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka.

wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka.

guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka.

guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walboo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay.

kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan.