Sawirro: Cabdi Xaashi oo kulan xasaasi ah la qaatay wakiilada beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Talyaaniga.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, kuwaasi oo maraya heer geba-gebo ah, kadib marxalado kala duwan oo ay soo martay iyo gaabis badan oo ku yimid.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray sidii doorashada Madaxwaynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilan oo nabad ah.

Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii dambe si dhow ula socotay doorashooyinka Soomaaliya, ayada oo cadaadis badan ku saartay madaxda iyo siyaasiyiinta dalka in lasoo gaaro marxalada maanta ay mareyso.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022, haddii uusan dib u dhac ku imaad.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ku dhowaad 25 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaan-geliyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.

Sida loo qorsheeyey haddii u dhaqan-galo jadwalka doorashada, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.