Sawirro cajiib ah: DF Somalia oo ciidan nooc cusub ah MUQDISHO la timid

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa loo soo tababar ciidamo nooc cusub ah oo dalka uusan horey u lahayn, kuwaasi oo marka aad aragto aad yaabeyso qaabka ay u diyaarsan yihiin.

Ciidamadan ayaa shalay la arkay markii ugu horeysay, ayada oo ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Gen. Saacid ay ka qeyb galeen munaasabad ka dhacday xarunta General Kaahiye ee Muqdisho, oo looga hadlayey ammaanka dalka.

Ciidamadan, weli lama yaqaan inay howl galeen iyo in kale, sababta oo ah wax saameyn ah kuma yeelan amniga Muqdisho ee faraha kasii baxaya, hase yeeshee waxa ay u diyaarsan yihiin sida ciidamada SWAT-ka loo yaqaan ee Mareykanka oo kale.

Ciidamada waxaa Muqdisho looga yaqaan naanees ah Ciidamada Birta Liqa

Sawirrada ciidamada cusub

somali swat 1somali swat 2somali swat 3somali swat 4somali swat 5somali swat 6somali swat 7

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com