Sawirro: Ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaan cusub

Shabeelow (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Mudug, masuuliyiin iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday deegaanka Shabeeloow iyo saldhigyadii Al-Shabaab ee ku yaallay Miyiga deegaankaas.

Deegaanka Shabeelow ayay maanta ciidamadu gudaha u galeen, kadib muddo todobaadyo ah oo ay dul deganaayeen, sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa wixii maanta ka horeeyey ku sugneed gudaha deegaankaas.

Taliyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa la kulmay Saraakiisha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ee khawaarijta ka saaray Shabeeloow.

Sidoo kale waxay soo arkeen saldhigyadii ay ku lahaayeen dhulka Miyiga ah ee deegaanka Shabeelow oo lagu arkay raadadkii Khawaarijta oo dadka ka yaabiyey.

Ciidamada ayaa saldhigyadii Shabaab ugu tegay lafo dad oo la aaminsan yahay inay yihiin dagaalyahanadii looga dhaawacay dagaalada oo geeriyooday, waxaana la sheegaa in kooxdu ay dhameystirto oo disho xubnaha ka dhaawacma.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta ayaa maalmihii lasoo dhaafay Khawaarijta ka xoreeyay deegaanada Shabeeloow iyo Cimaamad oo ka mid ahaa saldhigyada Al-Shabaab ee ugu waaweyn koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa hada kaabiga ku haaya Deegaanka Caad, waxaana Khawaarijta Al-Shabaab lagu baacsanayaa dhulka hawdka ah ee gobolka Mudug, gaar ahaan miyiga deegaanka muhiimka ah ee Caad.

Howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa hadda u bilowday si xowli ah, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda kooxda laga saaro deegaanada dhaca koonfurta Gobolka Mudug oo hadda guluf culus uu ku wajahan yahay.