Sawirro: Ciidamo cusub oo tababar heer sare ah maanta loogu soo xiray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo cusub ayaa maanta tababar heer sare ah loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku qaateen dugsiga tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidamadan ayaa waxaa tababarka usoo xiray sii-hayaha wasiirka amniga gudaha ahna wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Ciidamadaan ayaa kamid noqon doona booliska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa kula dar-daarmay in ay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaabaha maanka-dooriya, bulshadana ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay ka soo dhex baxeen bulshada.

Sidoo kale, Wasiir Xagaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dadaalka ay galiyeen dhismaha ciidanka dhalinyarada ah ee ku soo biiray ciidanka booliska.

Maalmo kahor ayay aheyd markii dugsiga tababarrada ciidamada Gorgor ee TurkiSom loogu soo gaba-gabeeyay tababar urur cusub oo kamid noqonaya ciidanka Gorgor.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in istiraatiijiyadda dowladda ay tahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda, xilli guulo badan laga gaaray dagaalka.