Jaaliyadda Somaliland oo baarlamanka UK hortiisa ku kala qeybsantay xiisada badda

London (Caasimada Online) – Jaaliyadda Somaliland ee UK ku nool ayaa Sabtidii isugu soo baxday dibadbax ay ka hordhigeen aqalka baarlamaanka UK, kaasi oo ay ku kala qeybsanaayeen dadweynihii isugu yimid.

Dibadbaxa oo ahaa mid lagu taageerayay heshiiska is afgaradka ee Somaliland la gaartay Itoobiya oo lagu siiyay dekad iyo saldhig ciidan ayaa waxaa dhinaca kale dibadbaxa taageerada barbar socday mid lagu diidanaa xad-gudubka Itoobiya oo ay dhigayeen jaaliyadda Somaliland oo laba u kala qeybsan.

Dibad-baxayaasha Somaliland ee taageerayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo sitay calamada Itoobiya iyo Somaliland ayaa dowladda UK ugu baaqayay inay aqoonsi siiyaan Somaliland oo 31 sano ka badan aqoonsi ka raadineysay dunida.

Dhinaca kale, dibad-baxyada ayaa waxaa jahwareer ku riday dibad-baxyo kale oo kasoo horjeeday xad’gudubka Itoobiya oo ku tilmaamay mid dhul doon iyo bad doon ah.

Garabkan ayaa waxay dowladda UK ka dalbadeen in ay ilaaliyaan midnimadda iyo qaranimada Soomaaliya oo Ingiriiska uu horseeday xornamadii ka hor inta aysan is raacin gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Dibad-baxaan ayaa waxaa la sheegay inay soo abaabushay xukuumadda maamulka Somaliland oo dadaal ugu jirto in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiis uu madaxweynaha Somaliland u saxiixay Itoobiya inay ku qaadato dekad iyo dhul 20KM ah.