Sawirro: Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Shabaab badan, kana furtay hub culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gal qorsheysan oo xalay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan ayay ciidanka DANAB ku beegsadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhaca duleedka tuullo lagu magacaabo Yaaq-dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB howl-galkaas qorsheysan ku dilay ugu yaraan 13 dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale ciidanka waxay howl-galkaas kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub culus, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay qaar kamid ah hubka ay howl-galkaas kusoo furteen ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB.

Howl-galkaan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay shaacisay in howl-gal qorsheysan oo ka dhacay isla gobolka Jubbada Hoose lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi.

Labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka Idiris uu ahaa ku xigeenkiisa, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, kadib muddo bil ah oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda.