Sawirro + Codad: R/W Saacid & Axmed Madoobe oo maanta ku kulmay Xamar kuna dhowaaqay go’aan laga sugayey

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo maanta dalka Dib ugu Soo laabtay ayaa wuxuu hotelka City Palace Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe” iyo Wafdigiisa Ku sugan Muqdisho.

Cabdi Faarax, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa kulankaas ku wehliyay Qaar ka mid ah xubnihiisa golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Sida wasiirka arimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga iyo Kan warfaafinta Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay armo ay ka mid yihiin Shirka looga hadlayo aayaha Jubbooyinka oo lagu wado inuu dhawaan ka Furmo Muqdisho wareegiisa ugu horeeya iyo dib u laabashada Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo ,oo Maalinta Bari ah lagu wado inuu dib ugu laabto.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa ugu dambeyn Wuxuu sheegay in Shirka looga hadlayo  aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu sheegay in Shanta Bisha Soo socota ee Octobar uu Muqdisho wajigiisa Koowaad uu ka furmayo.

Wuxuu sheegay in Shirkan Wajigiisa Labaad uu ka furmi doono magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose inkastoo uusan Sheegin waqtiga Saxda ah ee uu shirkaas Kismaayo ka furmi doono .

Ugu dambeyn Ra’isul wasaare Saacid wuxuu sheegay in loo baahan in dhamaan beeelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo inay kasoo wada qeyb galaan shirkaas looga hadlayo aayaha goboladaas isla-markaana looga gudbayo Khilaafka beelaha goboladaas.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, oo isna dhankiisa Saxaafadda la hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Soomalaiya Cabdi Faarax Shirdoon , waxaaana uu shaaca ka qaday inay dhameystiri doonaan Khilaafka Beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso codadka Ra’isul wasaaraha iyo Axmed Madoobe

Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaaraha

9 8 7 6 5 1 2 3 4

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com