DEG DEG AH: Nabadoon caan ahaa oo goor dhow lagu dilay magaalada….

Baladweyne (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in kooxo hubeysan ay goordhow ku toogteen magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, nabadood halkaas caan ka ahaa.

Sida Shabakadda Caasimada Online, ay u sheegeen dad ku sugan, nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Lagu dilay Nabadoon Xuseen Macallin Maxamuud.

Nabadoonka ayaa la toogtay isagoo ku sii jeeda gurigiisa, waxaana la sheegay kooxda dilka u geestay in ay baxsadeen.

Nabadoonka caawa lagu dilay Baladweyne ayaa la sheegay in uu ka mid ah salaadiintii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jirto koox sheegatay dilka nabadoonka, balse waxaa dilka kaddib caawa ka dhacay magaalada howlgalo ciidamada ay ku baadigoobayaan kooxaha dilka geestay.

Ma ahan nabadoonkii ugu horeeyay ee lagu dilo Baladweyne, waxaa dhowr bil ka hor lagu dilay nabadoon caan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com