Sawirro: CUMAR FILISH oo markii ugu horresay maanta tegay xarunta G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeer ku tagey xafiisyada kala duwan ee ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Xamar.

Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha ayaa ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isagoo ammaanay hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey.

Guddoomiyaha cusub ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka waaxihii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee D/hoose iyo Maamulka Gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda gali doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina horyaalla”.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka.