Madaxweynihii hore ee Galmudug oo dhaawacmay

Hobyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Mudug ayaa sheegayo inuu dhaawac soo gaaray madaweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

Dhaawaca soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa la sheegay inuu ahaa shil gaari oo ka dhacay Gobolka Mudug sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Shirka Gaari ee uu ku dhaawacmay Caalin ayaa la sheegay inuu ka dhacay Deegaanka Gawaan oo u dhaxeeyo Wasil iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Faahfaahin dheeraad ah lagama helin nooca dhaawaca ah ee soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug.

Caalin ayaa horey usoo noqday madaxweynihii Galmudug ka hor inta aan la sameyn maamul Goboleedyada.

Wuxuu hadda kamid ahaa xubnihii ka qeyb galayey shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wixii kusoo kordha xaaladda Caalin waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com