Somaliland oo jawaab ka bixisay arrintii madaxweyne Saciid Deni uu soo jeediyey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii uu Madaxweynaha maamulka Puntland uu ku sheegay in uu wada heshiisinayo Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa hore u sheegay in uu maamulkiisu diyaar u yahay in magaalada Garoowe ay martigeliso shirar looga hadlayo maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu si adag uga hadlay baaqaasi ka soo yeedhay Madaxweyne Deni, isagoona dowladda federaalkana eedeymo u jeediyey, wuxuuna yiri

“Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Soomaaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Soomaaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Soomaaliya”.

“Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Soomaaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Soomaaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Soomaaliya ee uu la midka yahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya diyaar uma aha wada-hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Soomaliya waxay ogtahay inay wada-hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”.

“Wadamo badani sababo kala duwan ayey aqoonsiga Somaliland u diidayaan, in badana xogogaal baanay ka ahayn xaqiiqooyinka jira, Wadamada og xaqiiqooyinka jira, sababo kale duwan ayey aqoonsiga u diidayaan, ama Wadamada Afrika ha noqodaan, ama Wadamo kale oo Caalamka ahba noqdaan, laakiin maaha in marnaba la iska indho tiro aqoonsiga jiritaanka dawladnimada iyo dalnimada Somaliland”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com