Sawirro cusub: Sidee ayuu u dhacay shirka Madaxda Soomaalida & Caalamka uga furmay London?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada London ee dalka Britain ka furmay shir hore dhac u ah shirweynaha caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo maalinka beri ah ka furmaya magaalada London.

Shirkaani hordhaca ah ayaa gogol xaar loogu sameynaayay shirka beri ka furmi doona magaalada London, waxaana shirkaani ka qeybgalay Diplomaasiyiin farabadan oo iyagu aad u daneeya arrimaha Somalia.

Shirka hordhaca ah ee maanta ka furmay magaalada London ayaa waxaa si hordhac ah looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin kaalinta qurba-joogta waxaana intaa kadib loosii gudbay arrimo kale oo ay kamid yihiin ka mirro dhalinta shirka beri furmi doona waxaana madasha leysku weydaarsaday sida Somalia ay uga soo kaban laheyd dhibta ka dhalatay dagaaladii sokey.

Afarta qodob ee diirada lagu saari doono shirka furmi doona maalinta beri ayaa kala ah:

1- Adkeynta Amniga

2- Taageerada Beesha Caalamka

3- Xasilooni Siyaasada Soomaaliya

4- Dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka

Qodobada sida gaarka ah looga hadli doono ayaa waxa kamid ah qaabka Soomaaliya uga faa’iideysan karto Khayraadkeeda dabiiciga ah, sidii Soomaaliya uga shaqeyn lahay dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha si dalka looga cafiyo Danyta badan ee lagu leeyahay taasi oo fududeyn karta in dalka fursad u helo dib u dhis dhamaan “Kaabayaasha dhaqaalaha”.

Kaluumeysiga, Xoolaha iyo Beeraha in diirada la saaro sidii sare loogu qaadi lahaa wax soo saarkooda si sanad walba 3 – 5% sare loogu qaado awooda dhaqaale iyo Dakhliga Qaranka.

Waxaa sidoo kale qorshaha Qaranka kamid ah in la helo 500.000 (shan-boqol oo kun) oo shaqo abuuris loo sameeyo Soomaalida gaar ahaan dhalinyarada, sida ku xusan qoraalka qorshaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka soo bandhigi doonto.