Sawirro: Farmaajo oo London uga dhawaaqay in DFS ay dhisi doonto Hay’ad Qurba-joogta Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad xiisa badan ka jeediyay shirka arrimaba bulshada rayidka iyo Qurrba-joogta oo ay qeyb ka ahaayen Diplomaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo farabadan waxaana qeyb ka ahaa inkabadan 30 Diplomaasiyiin waxa uuna Madaxweynaha ku dhawaaqay in dowladda ay dhisi doonto Hey’adda Qurba-joogta Qaranka.

Madaxweynaha dalka ayaa khudbadiisa xooga ku saaray doorka Qurba joogta ee dib u dhiska dalka, waxa uuna sheegay in qurba-joogta ay muhiim u yihiin dhismaha Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Qurrba-joogta ay muhiim u yihiin dhismaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa Qurrba-joogta ka dalbaday inay dib ugu soo laabtan dalkooda waxa uuna tilmaamay in Somalia ay xiligaani u baahan tahay inay hesho dadkeeda ku maqan dalka dibadiisa.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay qurba joogta kaalinta ay ka qaateen dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha, waxa uuna tilmaamay in dalka ay joogaan Qurba-joog badan oo ka qeybqaatay koboca dhaqaale.

Madaxweynuhu waxa uu shirka kaga dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dhisi doonto Hey’adda Qurba-joogta Qaranka, waxa uuna sababta ku sheegay in Somalia ay u baahan tahay Hay’ad kulmisa Qurba-joogta.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale, ka hadlay Micheal Keating oo ah Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, waxa uuna dhankiisa ka sheegay in dowlada Somalia uu ku amaanayo dhismaha Hay’adda Qurba-joogta.

Micheal Keating, ayaa shirka ku soo bandhigay Afar hab cusub, si dowladda uga faa’ideysato xirfadda bulshada rayidka iyo qurba joogta.

Si kastaba ha ahaatee, Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka Arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, kaasoo ay si wada jir u shir guddoominayaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.