Maxay siyaasiyiinta Turkiga cadaadis ugu hayaan Soomaalida dalka Canada?

Ottawa (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta u dhashay dalka Turkiga ayaa cadaadis weyn ku hayo Soomaalida ku nool dalka Canada tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee lagu doonayey in lagu rido dowladda madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Dowlada Erdoğan ayaa dooneyso inay meel walba oo daafaha caalamka ah murqaheeda siyaasadda ku fidiso si ay ugu ugaarsato kuwa kasoo horjeedo ee meelahaas ku nool.

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa waxaa soo fuulay culeys weyn tan iyo markii uu dhicisoobay afgambigii ka dhici rabay Turkiga, waxayna arrintaas ku eedeysay inuu ka dambeeyey Fethullah Gülen oo ku nool dalka Mareykanka, balse iskuulo ka furay Canada.

Markaas wixii ka dambeeyey Soomaalida ku nool dalkaas ayaa ku kala aragti ku duwanaaday inay taageeraan Fethullah Gülen iyo inay garab istaagaan Erdogan, waxayna Soomaalida qaar kasoo horjeesteen   in Urdogan argagaxiso ku tilmaamo Fethullah Gülen, wxayna midaas keentay inuu Turkiga waayo qaar badan oo ka tirsan Soomaalidii Canada oo markii hore taageersanaa.

Dowladda Turkiga ayaa cadaadis iyo culeys weyn saartay Soomaalidii taageertay Fethullah Gülen , waxayna dooneysaa inay si qasab ah ku taageeraan dowladda Turkiga.

Soomaalida Canada ayaa xoogga lagu saarayaa inay taageeraan madaxweynaha Turkiga  kana soo horjeestaan  Fethullah Gülen halka markii hore ay Fethullah Gülen iyo Erdoğan isku mid u ahaayeen dadkaas

Dowlada Canada arrinkaan culeys badan kuma heyso waayo dad Turkey badan kuma noolo dalkooda waxayna marwalbo ahmiyad siiyaan Canada inay wanaajiyaan xiriirka kala dhaxeeyo Turkey madaama ay Nato ku wada jiraan.

Erdoğan meel walbo ayuu rabshad ka wadaa xitaa Yurub oo dhan wey iska hor imaadeen xilli Turki badan oo diyaasbaro ah joogaan, maadaama uu lumiyey  taageerada dowladaha reer Galbeedka  wuxuu billaabay dadaal hoose oo taageerada bulshooyinka uu ku kasbanayo isaga oo hoos maraya dowladaha.

Fethullah ayaa dalka Canada ka dhisay iskuulo badan oo ay xataa qaarkood dhigan jireen Soomaalida, waxayna ahaayeen iskuulo lagu barto Culuumta islaamka .

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET