Shirkadda Hormuud oo qabatay Xaflad lagu daah furayey adeegga E-commerce

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaflad lagu daahfurayay Adeegga E-commerce ee shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Adeeggan oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga hirgaliyo Soomaaliya ayaa u suuragalinaya dadweynaha Soomaaliyeed in ay si fudud uga iibsadaan adeegyada shirkadda Hormuud website-ka shirkadda.

Muxiyadiin Xasan Cosobow madaxa suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ee shirkadda Hormuud oo ka hadlay munaasabada daahfurka adeegga E-commerce ayaa tilmaamay in adeegan E-commerce uu sahli doono haqabtirka baahiyaha macaamiisha shirkadda.

“E- COMERCE wuxuu macaamiisha u suuro gelinayaa in ay adeegyada shirkadda iibsadaan iyagoo jiifa, ama ganacsigooda ku jira.

Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa ballan qaaday in dhowaan la daah furi doono adeegga Kayd oo u suurtaglinaya macaamiisha shirkadda in nambarrada ugu keygsan simcard-kooda ay ku xafidan karaan addeeggan iyaga oo xogtaasi heli kara mar waliba xitaa hadii uu ka lumo sim card-ku.

Martisharaftii kasoo qeybgashay munaasabada daahfurka adeegga E-commerce iyo Kayd ayaa bogaadiyay horumarka shirkadda Hormuud ay ka sameysay adeegyada ay u heyso bulshada, iyaga oo ku booriyay in ay horay usii wado dadaalka ay ku dardarglineyso adeegyada shirkadda.

Adeegyadan cusub ee ay maanta soo bandhigtay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa qeyb ka ah tiro adeegyo ah oo ay shirkaddu uga gol leedahay hormarinta hanaanka adeeg ee shirkadda iyo haqabtirka baahida bulshada ay u adeegto.