Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Ismiidamin ah oo ka dhacay Maqaayada The Village ee ku taalla Guriga Hooyooyinka.
Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa kordhay kadib markii qolfoofta Gaariga Qarxay uu dad rayid ah ku dhaawac iyagoo ku sugnaa Hooygooda.
Dadka dhaawaca oo markii hore la sheegay inay ahaayen 3 Ruux, ayaa waxaa hadana lasoo wariyay inuu kordhay dhaawaca ka dhashay Qaraxa.
Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa iminka gaaray ilaa 6 ruux, sida ay baahisay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho.
Dadka Qaraxa ku dhaawacmay waxaa kamid ah Wariye lagu magacaabo C/qaadir Sheekh Muxuyadiin iyo Daahir Ciise oo isna ka mid ahaa Ilaalada KNN.
Saraakiisha amaanka waxa ay sheegen in Gaariga Qarxay uu dhabarka danbe ee Maqaaxida yiilay dhowr daqiiqo oo xiriir ah.


