Sawirro: Dad Mareykanka laga soo celiyey oo laga soo dajiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dagay diyaarad siday dhalinyaro farabadan oo dib looga soo celshay dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dad ka badan 83 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay kusoo dhaweeyen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

Waxa ay mas’uuliyiintani sheegen in dowlada Somalia ay si rasmi ah ula wareegtay xaalada dhalinyarada laga soo musaafuriyay Mareykanka maadaama qaarkood aysan deegaan ku aheyn magaalada Muqdisho inta ay dib ula midoobayan reerkooda.

Dhalinyaradan laga soo celiyay dalka Mareykanka oo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa waxaa Dumar ka ahaa 4, halka 79-ka kalena ay yihiin Rag.

Soo tarxiilida dhalinyaradan ayaa waxa ay qeyb ka aheyd heshiis ay horay u gashay Safaaradda Soomaaliya ee Washington markii uu safiirka ahaa Danjire Axmed Ciise Cawad oo hada ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ku eedeeyay in ay iska indha tirayaan in dalka dib loogu soo celiyo Dhalinyaro xaalad amni daro darteed u baqaya.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya.

Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Somalia ay ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal.

Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay.