Sawirro: Dagaal gacan ka hadal dharka la isaga jeexay oo ka dhex dhacay shirkadda Air France

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar gacan ka hadal ah ayaa ka dhacay Xafiiska weyn ee Shirkada Air France ee magaalada Paris ee dalka Fransiiska, kaasi oo ay qaaden shaqaale farabadan oo aad u careysnaa.

Shaqaalahaasi oo careysnaa ayaa waxa ay feer iyo laad la dhaceen Maamulka ugu sareeya shirkada kadib markii ay shirkadu soo saartay go’aan ay ku dhimeyso shaqaalaheeda.

Shirkadu waxa ay qaadatay go’aan ah inay shaqada ka eryineyso shaqaale dhan 3,000, kuwaasi oo markii danbe ka carooday go’aanka.

Dagaalka gacan ka hadalka ahaa ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah maamulka kuwaasi oo dhiigooda banaanka ku daatay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
a1

a2

a3

a4

a5