Xasan Sheekh oo go’aan ka qaatay Cawil Daahir

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu ku gacan seeray inuu Cafis u fidiyo Wariyayaasha ka xiran Tv-ga Universal.

Siyaasiyiinta ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu qaabilay Siyaasiyiin u doodaayay Wariyayaashaasi, balse Xassan Sheekh uu ku gacanseeray inuu faragalin ku sameeyo arrinta la xiriirta xariga Agaasimaha Bariga Africa u qaabilsan Tv-ga Universal iyo Wariye Cawil Daahir Salaad.

Madaxweyne Xassan oo la sheegay inuusan wakhti badan ku lumin kulankaasi ayaa waxa uu Siyaasiyiintaasi ku qanciyay in marka hore arrinta Wariyayaashaasi loo daayo Laamaha amaanka kadib ay isaga soo laabtan goortii xarigooda laga soo gaaro natiijo.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in xariga Wariyayaashaasi uu yahay mid loo maray wado sax ah, balse Dowladu aysan dhibaato u geysan doonin labada wariye Ciidamaduna uu ugu baaqayo inay si wanaagsan ula dhaqmaan oo aysan dhibaato u geysan.

Siyaasiyiinta oo waji wanaagsan ka filaayay Madaxweyne Xassan ayaa dib ugu laabtay guryahooda iyaga oo aad uga careysan wajiga ay kala soo kulmeen Madaxweyne Xassan oo ka duwanaa wajiyadii hore oo ay uga barteen.

Dhinaca kale, DF Somalia ayaa Labadaasi Wariye ku heysata Dood ka baxday Universal oo hal dhinac u janjeertay, doodaasi oo ay Xukuumadu sheegtay in loogu gafay Dowlada, islamarkaana Xildhibaanada ka qeybqaatay ay ahaayen kuwo kasoo horjeeday Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com