Xog culus: DFS oo HESHIIS qarsoodi u saxiixday shirkad gaara oo maamuli doonta shixnadaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah u saxiixday shirkad gaar loo leeyahay mugdi badan ka jiro cidda leh, laakiin saldhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta nay maamusho Konteenarada Dekaddaha Muqdisho iyadoo shirkadan dhul weyn oo ku dhegan Dekadda Muqdisho la siiyay isla markaana ay maamuli doonto dhammaan Konteenarada Ganacsi ee dekadda yimaada.

Shirkadan oo lagu magacaabo Simatech International Free Zone, waxay xukuumadda Soomaaliya u ansixisay inay Dekadda Muqdisho ka hirgeliso Dekad Qalalan “Dry Port” fadhigii ugu danbeeyay ee Golaha wasiirada ayaana lagu ansixiyay heshiiskan iyadoo aan faahfaahin badan laga siinin xubnaha Golaha wasiirada oo su’aalo badan ka keenay waxa loo codeeyay oo intooda badan aanay la socon.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax ayaa hor keenay golaha arrintan heshiiska ah, iyadoo sidaasina lagu meel mariyay waxaana wasiirada loo sheegay inaan laga hadli karin oo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay wataan arrintan. Heshiiskan ayaa ka danbeeyay olole weyn oo Imaaraadka Carabta ku dooneysay inay ku lug yeelato maamulka dekadda Muqdisho, iyadoo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay safarro badan isaga daba laabteen dalka Imaaraadka Carabta oo danaha dhaqaale iyo milateri ee Soomaaliya uu ka leeyahay ay sii kordheen, mana cadda lugta UAE ku leedahay arrintan.

Heshiisku Simatech International Free Zone, ku hirgelineyso Dekadda qalalan (Dry Port), wuxuu dhaqangalayaa marka uu saxiixo ku-simaha ra’iisal wasaaaraha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa la yaab leh in golaha wasiirada aanay warbixin badan ka helin ee la marsiiyay, waxaa kaloo la yaab leh inaan loo gudbin doonin Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hay’adaha sharciga u leh inay hubiso heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya galeys, waxaana ku saxiixan ku-simaha Ra’iisal wasaaraha ahna wasiirka Garsoorka C/llaahi Axmed Jaamac “Ilka-jiir”, waxaana ku qoran inuu heshiisku dhaqangalayo marka uu saxiixo ku-simaha ra’iisal wasaaaraha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga kharashka ku baxaya heshiiska, inta sano ee uu soconayo, sida loo galay heshiiska, waxaana arrintan oo dhan ay tahay mid mugdi lagu dhameeyay, sida dhacday heshiisyadii shirkado Turki ah kula wareegeen Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, waxaa la filayaa inuusan Baarlamaanka Soomaaliya awood u yeelan ogaanshaha ka doodista heshiiskan.

Shirkada waxaa hore Bishii Febrayo sanadkii 2013 la sheegay in lagu wareejiyay howsha maamulka shixnadaha dekadda Muqdisho, waxaa shirkadan guddoomiye u yahay Yacquub Abuukar Cali, halka guddoomiye ku xigeenkeeda lagu magacaabo Ismaaciil Gooni. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda Soomaalida ay lug ku leeyihiin shirkadan.

Isha goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com