Xog: R/W CC oo heshiis qarsoodi ah la saxiixday wasiirka arimaha dibadda Ruushka + Sababta.!!

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha JFS Cumar C. C. Sharmarke ayaa heshiis kula saxiixday magaalada New York  bishan Octobar 1, 2015, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov. Heshiiska ayaa waxaa uu ahaa sidii labada wadan aay isaga kaashaan lahaayeen dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka, iyo isticmaalka hawada Soomaaliya ee ciidanka Ruushka.

Heshiiskan lama oga in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya aay isla wada ogaayeen. Fadhiga heshiiska lagu kala saxiixday ayaa waxaa goob joog ka ahaa RW CCC, Wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa iyo Qunsulka xafiiska QM ee Soomaaliya Cawale Kullane oo aay Ilmo habreed yihiin RW CCC. Waxaa magaalada New York xilligiaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalam Hadliye Cumar. Lama oga sababta looga tagay wasiirka.

Sanadkii 1962, RW Cabdrashid Cali Sharmarke  oo markaa ka soo laabtay Washington ayaa si toos ah uga degay Moscow isagoo markaa la  saxiixday heshiis noocan oo kale ah Waddankii Midowga Soofyeete CCCP. Heshiiskaas oo sabab u ahaa in Dowladda Mareykanka aay gebi ahaanba xiriirka u jarto dowladda Soomaaliya oo markaa laba sano jir ahayd.

Safarkaas uu ku tagay Ruuskha ayuu ahaa midkii Soomaaliya u horseeday dagaalkii Itoobiya ee 1964, Dhibna noogama horreyn dhibaatada iyo siyaasad xumada Cabdirashiid Cali Sharmarke oo aan ilaa maanta kasoo kabsan la’nahay.

omar1 omar2 omar3