Dowladda UK: Mooshinka Xasan Sheekh waa…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Britain, ayaa waxay dareen ka muujisay Mooshinka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay ka keeneen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, 12-kii bishii August.

Safiirka Britain u fadhiya dalka Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo Harriet Mathews, ayaa waxay sheegtay Mooshinka oo ku xusan dembi qaran oo lagu soo eedeeyay Madaxweynaha, uu yahay mid halis ku ah doorasho ka dhacda Somaliya sanadka soo socda.

”Mooshinka Madaxweynaha laga keenay ee lagu soo eedeeyay in qiyaano qaran uu galay, waa mid halis ku ah doorashada lagu wado inay Somaliya ka dhacdo sanadka 2016-ka iyo waqtiga lagu soo beegay.” Ayay tiri Safiiradda oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay in Xildhibaanadu ay xaq u lee yihiin inay la xisaabtaman Madaxweynaha, hase ahaatee haddii uu sidaan ku sii socdo Mooshinka, uu markaasi khatar ku tahay doorashada la doonayo inay dalka ka dhacdo 2016-ka.

“Xildhibaanada xaq ayay u lee yihiin inay la xisaabtamaan Madaxweynaha, haddiise uu sidaan ku sii socdo Mooshinka, waxay markaasi khatar ku tahay doorashada la rabo inay Somaliya ka dhacdo 2016.” Ayay tiri Harriet Mathews.

Harriet Mathews, ayaa xustay in Britain ay Somaliya ka caawinayso waxyaabo badan, oo laga xusi karo arrimaha bani’aadanimada, siyaasadda iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

“Britain waxyaabo badan ayay ka caawisaa Somaliya sida siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada iyo dib u dhiska Ciidamada, lacago badan ayayna ku bixisaa. Sidaasi daraadeed waxaan walaac baan ka qabnaa Mooshinka iyo waqtiga lagu soo beegay.” Ayay tiri Harriet Mathews.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com