Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ee Danab, Nabad sugidda iyo daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus oo lagu baacsaday kooxda Al-Shabaab ka fuliyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa intii ay howlgalkaas ku jireen waxay burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysa jireen Al-Shabaab iyo qaraxyo miinooyin ah oo wadooyinka ay ku aaseen.
Deegaanada ay ciidamadu ku baacsadeen kooxda ayaa kala ah:
Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax iyo deegaano kale dhamaantood ka tirsan Jubbada Hoose.
Howlgalkaan ayaa saameeyey dhul dhan 120 KM, sida ay saraakiishu u sheegeen warbaahinta, waxayna ciidankun weli sii baacsanayaan firxadkii kooxda.
Warbaahinta Jubbaland ayaa soo bandhigtay sawirro laga soo qaaday dhulka howdka ee ciidamadaan ay ku baacsanayaan kooxda, waxaana hadda gacanta ciidanka soo galay tuulooyinkaas oo hora ay u joogeen Al-Shabaab.
Xogtaan laguma soo bandhigin in howlgalkaan xubno Shabaab ah lagu dilay iyo in kale, waxaana lagu wadaa in warbixin faahfaahsan ay Jubbaland ka soo saarto markii uu soo idlaado howlgalkaan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano badan ka joogta Jubbaland, gaar ahaan gobolka ay howlgalladan ka socdaan ee Jubbada Hoose, halka Jubbada Dhexe ay gacanta ku wada heyso kooxdu.