Sawirro: Deni iyo Qoor Qoor oo shir xasaasi ah ku leh magaalada GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa haatan shirweyne waxa ay ku leeyihiin waqooyiga magaaladaasi, kaas oo ay goob joog yihiin mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul iyo xildhibaano ka socda dowladda dhexe.

Shirkan oo looga hadlayo iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa goor dhow ka billowday xarunta Madaxtooyada Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo.

Inta uu socda shirka ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, is-dhexgalka bulshada iyo horumarrada kale.

Sidoo kale Siciid DENI & Qoor Qoor ayaa shirkooda ku soo qaadi doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Gaba-gabada shirkan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro war-murtiyed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan labada dhinac.

Shirweynahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Jimcihii la soo dhaafay weerar is-miidaamiin ahaa oo saraakiil iyo shacab lagu dilay uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo.