Farmaajo oo hal sabab dib ugu dhigay ansixinta wax ka bedalka dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo soo saaray xeer madaxweyne ayaa dib u dhigay ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay maadaama la galay xilligii doorashada, islamarkaana  ay sii dhammaaneyso muddada xil-haynta barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa baarlamaanka 11-aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen guddiga madaxa bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in xeerkan uu saxiixay madaxweynaha uu dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020-ka, waxaana sidoo kale  la baabi’iyey sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan.

Si kastaba go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu warbixin ka dhageystay guddiga la-socodka dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka, guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka iyo wasiirka Dastuurka, taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.