Sidee ayuu noqonayaa habka qandaraas bixinta shidaalka dalka Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa markii ugu horeysay si faahfaafaahsan uga hadlay habka loo qeybinayo qandaraas bixinta shidaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hey’adda Batroolka ayaa shaaciyey in guddigooda uu ku howlan yahay sidii ay shirkadaha uga dhaadhacsiin lahaayeen sidii ay ugu dhiiran lahaayeen maalgashiga Soomaaliya maadaama uu sheegay in shirkadaha ay qabaan cabsi ku aadan xaaladaha ammaanka iyo siyaasadda dalka.

Ibraahim ayaa sheegay in su’aalaha ugu badan oo ay weydiinayaan Shirkadaha maalgelinta Batroolka sameeyo ay tahay sida ay ugu kalsoonaan karaan dhaqaalaha ay gelinayaan Soomaaliya & sida uu dib ugu soo laaban karo.

“Habka Qandaraas bixinta waa mid ku saleysan hab hufnaan ah oo ay u siman yihiin shirkadaha, annaga mas’uuliyad ayaa na saaran, waxa aan dooneynaa heshiis ummadda Soomaaliyeed u cuntama oo aan sii jiidano Shirkadaha, iyaga oo la weydiinaya ammaanka & siyaasadda Dalka,” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ibraahim ayaa sheegay in sababta shidaalka loo soo saarayo ay tahay sidii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa faqriga iyo shaqo la’aanta sida uu hadalka u dhigay.

“Ujeedada ugu weyn ee aan usoo saareyno Shidaalka Soomaaliya waa in faqriga & shaqo la’aanta dhalinyarada laga baxo, waxaa naga go’an in Ummadda Soomaaliyeed uga faaiideystaan hab ka duwan Dowladaha qaar oo ka baahan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha hey’adda ayaa xusay in shirkadaha maalgashado shidaalka ay intoo badan hantidooda geliyaan wado kale oo shidaal laga helo kuwaas oo amni ahaa iyo siyaasad ahaanba ka fiican Soomaaliya.