Dad isku qoys ah oo isku laayey duleedka Warsheekh

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in shalay halkaas ay dilal iyo dhaawacyo isugu geysteen dad isku ehel ah oo ku murmay Goof ka dhaxeeyey.

Dhacdadaas ayaa si gaar ah uga dhacday deegaan lagu magacaabo Caloolweyn oo u dhaxeeya degmooyinka Warsheekh iyo Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaas lagu dilay seddax qof, halka seddax kalena la dhaawacay.

Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah haweeneyn, waxayna dadka ku diriray dhulkaas ahaayeen ilmo adeer, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey maamulka degmada Warsheekh.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Warsheekh Hiraabe Maxamuud Maxamed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in deegaanka uu is hor imaadkaasi ka dhacay ay gaareen xubno ka socday maamulkooda, guddoomiyaha Balcad, odayaal dhaqan iyo ciidamada ammaanka.

Guddoomiye Hiraabe ayaa sheegay in ciidamadu ay bilaabeen howlgal lagu soo qabanayo dadkii baxsaday ee dhacdadaas ku lugta lahaa.

“Waxaan ku suganahay tuulo lagu magacaabo Caloolweyn, wiilal walaalo ah oo meeshaan isku dilay ayaan ku soo baxnay, dadka deegaanadaan qoryo ayey heystaan hadii ay murmaana xabado ayey isku furaayaan, marka arrinta dadkaan waxay ka bilaabatay muran dhul, kadibna qoryo ayey isu-soo qaateen, laba nin iyo gabar ayaa goobta lagu dilay, dhaawacuna waa seddax, ilmo adeerna waaye dadka is dilay,” ayuu yiri Hiraabe Maxamuud.

Guddoomiye ku xigeenka Warsheekh Hiraabe Maxamuud waxa uu sheegay inay hadda ku dadaalayaan sidii ay u soo qaban la haayeen dadkii dilka geystay ee baxsaday, si aysan u sii xumaan xaaladda dadkaas oo uu sheegay inay ahaayeen ilmo adeerro ku diriray dhul ka dhaxeeyey.

8-dii bishii November ee sanadkan ayey aheyd markii koox hubeysan ay Hooyo umul aheyd iyo laba carruur ah oo ay dhashay ku dishay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo dhaawacay Hooyo kale iyo ilamay ay dhashay, waxuuna falkaas salka ku hayey aano qabiil.