Sawirro: DF iyo IMF oo shir muhiim ah uu u furmay

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka furmay shir u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo hay’ada IMF, kaasi oo la xiriiray hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda dalka.

Shirka oo uu daah-furay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habeyntiisa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxaxy dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu shirkaan socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wada-shaqaynta iyo xoojinta dhaqaaleheenna mustaqbalka dhaw.

Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dhamaan hay’adaha dowladda ee shirka kala qeyb-galay sida; Wasaaradda qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay dadaal badan ugu jirtay sidii dib u habeyn ballaaran loogu sameyn lahaa hanaanka dhaqaalaha daalka, kaasi oo horseed u noqonaya in deynta laga cafiyo.