DF oo shaacisay shirkada ku guuleysatay qandaraaska hubinta tayada shixnadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday shirkadda ku guuleysatay qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka hor inta ayna badeecadahu soo galin dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasabad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa qandaraaskan, oo la sheegay inay si daah-furan ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritasm, taas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadani ay hagaajin doonto sidoo kalena hirgelin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka.

Waxa uu ku bogaadiyey maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’adda oo uu sheegay inay dadaal xoog ay ku bixiyeen guusha maanta la gaadhay.

Qandaraaskan ayaa muhiim u ah ilaalinta bad-qabka bulshada, kor u qaadista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha iyo weliba kobac dhaqaale oo waara, sida uu saxiixa qandaraaskan ka sheegay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in arrintaan ay innoo suurto-gelin doonto xoojinta iyo horumarka ganacsiga aan la lee nahay waddamada caalamka.

Ugu dambayntiina waxa uu wasiirka guushan taariikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo umahad-celiyey arrintaan madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah.