Sawirro: Rag hubeysnaa oo lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen laba nin oo burcad ah, isla-markaana dhac u geysanayay shacabka degmadaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay nin kale oo saddexaad oo lagu eedeeyay inuu iibsado moobeelada lasoo dhaco, sida lagu caddeeyay qoraalka booliska gobolka Banaadir.

Waxa kale oo uu talisku intaasi kusii daray in saddexda eedeysane la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Taariikda 14/05/2023 abaaro 16:00pm.Ciidanka Boliiska Saldhigga Wadajir ayaa soo qabtay eedeysanayaal dhac u geystay bulshada ku dhaqan degmada iyo edeysanihii loo geynayay oo ah ganacsade taleefanada lasoo dhaco iibsado waxaana la horgeyn doonaa cadaalada.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimada, wuxuuna ka codsaday inay kala shaqeeyaan amniga, ayna usoo gudbiyaan xogta ay hayaan.

“Fadlan haka daalin in aad la xiriirto lambarga gaaban ee 991, haddii aad la kulanto qatar amni ama aad wado fariin amni”. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka booliska.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada booliska oo kaashanaya kuwa boolis milatari ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka waday magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Si kastaba, caasimada ayaa haatan laga dareemayaa xasilooni amni, waxaana yaraaday weeraradii, dilalkii iyo dhacii loo geysan jiray dadka shacabka ah ee ku nool Muqdisho