Kenya oo shaacisay goorta ay fureyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya

Nairobi (Caasikmada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd muddo ku dhow 12 sanno.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in bishaan May ee 2023-ka gudaheeda la furi doono saddex goobood oo muhiim ah, kana tirsan xadka oo la xiray sanadkii 2011-kii, markaas oo ay kordheen weerarada ay xoogaga kooxda Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha waddanka Kenya.

Saddexda marin ee la furayo ayaa kala ah:- Mandera/Beledxaawo, Lipoi Hargar/Dhoobley iyo Kiunga/Raaskambooni, halkaas oo muhiim u ah isku socdka labada shacab.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dal ay isla maanta ka shiri doono qorshaha dib u furista ee saddexdaas goobood, si ay uga wada-hadlaan arrintaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-geli doono wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki,  wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wasiika arrimaha Dibadda Kenya Alfred Mutua, halka Soomaaliya uu metli doono wasiirka amniga Maxamed Sheekh Doodishe.

Labada dhinac waxa ay kulankooda diirrada ku saari doonaan sidii wax looga qaban lahaa  amniga, maamulka xuduudaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta ganacsiga.

Dhaq-dhaqaaqa xadka waxaa horay u hakiyay maamulkii hore ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, kadib markii uu faraha ka baxay amniga xadka ay wadaagaan labada dal.

Si kastaba, arrintan ayaa timid kadib markii todobaadkii hore laga daah-furay magaalada Mandheera mashruuca xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowladdaha dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya.