26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Sawirro: DF oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku go’doomay colaadda dalka Sudan.

Muwaadiniintaan oo ka kooban caruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethiopia, kadib markii dagaaladdu ka curteen dalkaasi Sudan.

Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta ugu qaabilsan Madaxweynaha JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa iska kaashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Howl-wadeenada xafiiska ergeyga gaarka ah ee arrimaha soo-galootiga ayaa garoonka magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyay muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyay maanta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.

Tan iyo markaas dowladda ayaa marar kala duwan dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, kuwaasi oo laga dejiyay magaalada Muqdisho iyo Garoowe.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaysa inay ka go’an tahay dib-u-soo-celinta iyo badbaadinta muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaallada ka socda dalka Sudan.

- Advertisement -

Read more

Local News