Sawirro: DF oo soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay kala wareegtay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku sheegnay wararkeeni hore Wasaarada Gaashandhiga ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Xerada iyo ciidamadii uu tababaray Imaaraadka.

Ciidamadan oo markii hore xuquuqda ka qaadan jiray dowlada Imaaraadka carabta ayaa iminka si toosa xuquuq uga qaadan doona Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood oo maanta booqday xerada, ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay gacanta ku hayeen.

Generaal C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegen gaadiidka dagaalka ee Imaaraadka ay ciidamada ku tababareen, Ambalaasyo iyo qalab kale oo ciidan.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya dhamaan qalabkaan iyo ciidamadii isticmaalayay.

Sidoo kale, Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah  ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.