Weerar loo adeegsaday Qaraxyo & Mid toosa oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Degmada Wardhiigley ayaa sheegaya in caawa halkaa uu ka dhacay weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya.

Weerarka oo ku bilowday Qaraxyo ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Xamar Jadiid, gaar ahaan halka loo yaqaano Suuqa Sar Guduuda.

Wararku waxa ay sheegayaan in goobta caawa la weeraray ay ciidamada degan yihiin saacado kooban, waxa ayna ka tirsan yihiin ciidamada la weeraray kuwa NISA oo ujeedkooda uu ahaa si ay kaalin uga qaataan sugida amniga Degmada.

Weerarka oo marka hore ku bilowday bambaano ayaa waxaa xigay rasaas mudo daqiiqado ah socotay oo udhexeysay Kooxdii weerarka qaaday iyo Ciidankii ku sugnaa halka la weeraray.

Waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana lasoo sheegayaa in laba qof ay goobta ku geeriyootay, halka hal ruuxna uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa meesha ka sameeyay howlgal balaaran oo ay ka sameeyeen nawaaxiga Suuqa Bamka lagu tuuray.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Wardhiigley, waxaana iminka socda baaritaan lagu hayo xaafadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com